Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi balaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta siweyn loogu soo dhoweeyay magaalada Qardho.
Madaxweynaha oo dadweynaha reer Qardho kula hadlay bannaanka magaalada oo ay uga hortageen, wuxuu uga mahadceliyey sida weyn ee ay usoo dhoweeyeen isagoo ugu baaqay in ay wadajir uga shaqeeyaan Nabadda, horumarka iyo Dowladdnimada.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Xildhibaanada cusub ee loo doortay Puntland in ay ku metelaan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Goleyaasha kala duwan ee Dowladda iyo Saraakiil Madaxtooyo.