Maamulka Somaliland ayaa dedaal dheer kaddib ku guuleesatay in ay la isku furo wacitaanka gudaha ee shirkadaha Isgaarsiinta ee ka howlgala deegaanadaasi oo markii hore wacitaankoodu kala xirnaa.
Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland ayaa ku guuleesatay in ay heshiis dhax dhigto shirkadaha Isgaarsiinta si ay wadahadalka gudaha isugu furaan , heshiiskaasi ayaana maanta si rasmi ah uga hirgalay deegaanada Somaliland.
Shacabka kunool deegaanada maamulka Somaliland ayaa si weyn usoo dhaweeyay heshiiska la isugu furay wacitaanka gudaha , waxa ayna shacabku sheegeen in markii hore ku dhib qabeen in numberada shirkaduhu aysan is wici karin.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com