Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo amray in la hakiyo Doorashada Xildhibaanada Banaadiriga

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhaw qoraal uu soo saaray waxa uu ku hakiyay doorashada xildhibaanada beelaha Banaadiriga ee lagu qaban lahaa magaalada Muqdisho.

Rooble ayaa sheegay in cabasho xooggan kasoo gaartay qaar kamid ah odayaasha beelaha banaadiriga, waxa uuna magacaabayaa guddi ka kooban xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee (FEIT) iyo Xafiiskiisa si ay cabashada u baaraan.

”Waxaa cabasho iga soo gaartay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Beelaha Banaadiriga, taas oo ku aaddan guddiga odayaasha iyo bulshada rayidka ah ee soo xulaya ergooyinka dooranaya kuraasta Golaha Shacabka ee Banaadiriga, si loo xalliyo cabashadaas, waxaan magacaabayaa guddi ka kooban xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee (FEIT) iyo Xafiiskeyga, si ay arrintan u baaraan warbixinna iigu soo celiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan” ayuu yiri Rooble.
Ra’isul Wasaare Rooble ayaa amray guddiga SEIT ee beelaha Banaadiriga in ay hakiyaan doorashada kuraasta Banaadiriga inta xal looga helayo cabashada kuraasta qaar ka keeneen beelaha Banaadiriga.
Kursiga ugu daran ee cabashada laga keenay ayaa ah kursiga ay leeyihiin culimada Fiqi, kursigaas ayaana la sheegay in loo boobayo xaaska Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=s6n9zI19XO8

Related posts

Nin lulaya Calanka Falastiin oo galay garoon uu ka socday Ciyaar Champion Leaguge katirsan

Cabdi Cade

Koox si qarsoodi ah uga ganacsan jirtay jirka Bini’aadamka oo gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade

Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka oo ka hadlay dagaaladii ka dhacay degmada Dayniile

Caydiid Ali