Warar iska horjeeda ayaa ka soo baxaya hakinta doorashada kursi la sheegay inuu sharraxan yahay la taliyaha Amniga Qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, kaasoo deegaaan Doorashadiisa tahay Magaalada Beledwayne ee Gobolka Hiiraan.
Warbaahinta Dowladda ayaa baahisay in Guddiga Doorashada Heer Federaal uu hakiyay Doorashada kursiga HOP-86 oo ay dhowaan Guddigu shaaciyeen in doorashadiisa la qaban doono.
Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa lagu yiri “Kadib markii Guddiga Hiirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) ay soo gaareen cabashooyin ka yimid nabadoonnada iyo oday dhaqameedyada jufada iska Ieh kursiga sumaddiisu tahay HOP086, Waxaa lagu wargalinayaa Labada Guddi ee warqaddani ku socoto inay hakiyaan qabashada Kursiga kor ku xusan inta laga xalinayo cabashada laga soo gudbiyay.” ayaa lagu yiri qoraalka
Waxaa ka hor yimid talaabadaas Guddiga Maamulka Doorashada Hirshabeelle oo WarSaxaafadeed soo saaray kaasoo ku tilmaamay warkan mid been abuur ah, isla markaana la qabanayo Doorashada kursigaasi xiligii loogu talo galay.
Intaa ka dib guddiga doorashada heer federaal ayaa beeniyey inuu soo saaray warqada lagu hakiyey kursiga Fahad Yaasiin waxayna ku sheegeen qoraal ay soo saareen in warqadaas ay tahay mmid been abuur ah.
“Guddiga doorashada heer federaal wuxuu cadeynayaa inay waxba kama jiraan tahay warqadda lagu baahiyay baraha bulshada ee wadatay saxiixa Gudoomiyaha taas oo lagu sheegay Hakinta kursiga sumaddisu tahay HOP#086 kana mid ah kuraasta ay shaaciyeen Guddiga Maamulka Doorashada Hirshabeelle (BALEDWAYNE),Hadaba GHDHF wuxuu Farayaa Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad Goboleed Hirshabelle in ay waajibaadkooda gutaan, siina wataan shaqada adag ee hortaalla.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay gudiga.
HOOS KA AKHRISO QORAALADA
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com