Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Danjiraha Mareykanka iyo taliyaha AFRICOM oo booqday xerada Bali-doogle

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Lary Andre iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika Gen. Towsend ayaa booqasho ku tagay Saldhigga Balli-doogle, halkaasoo xarun u ah Ciidamada Mareykanka, kuwa Kumaandoska Xoogga dalka.

Sidoo kale waxay wadajir ula kulmeen Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Odawaa Yusuf Raagge, iyagoo ka wada hadlay arrimaha amniga iyo la dagaalanka waxaa loogu yeero Argagixisada.

Waa markii ugu horeysay ee Danjiraha Mareykanka ee Somalia Lary Andre uu booqasho ku tago xerada Bali doogle  oo ah goob aad loo ilaaliyo oo ay joogaan ciidamo kooban oo maraykan ah iyo kuwa Danab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=F3mts6i6Z2I

Related posts

Mid kamid ah Dowladaha Yurub oo Soomaaliya ugu deeqday 8.9 milyan oo dollar

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo soo bandhigtay Sargaal katirsanaa Al Shabaab oo isku soo dhiibay

Cabdi Cade

Taalibaan oo gacanta ku dhigtay dad loo heesto Qaraxyadii ka dhacay Garoonka Kabul

Cabdi Cade
Taboola Ads ---