Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al-Shabaab oo soo bandhigtay gaadiid ay ku qabsatay weerarkii saldhiga Kaxda (Sawirro)

Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay gaadiid dagaal oo ay ku qabsadeen weeraradii abaabulnaa ee ay labo habeen ka hor ku qaadeen xeryaha ciidanka DFS ee degmooyinka Kaxda iyo Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan afar qof oo labo ka mid ay yihiin rayid ayaa lagu dilay weerarada, halka labaatan qof oo iyana isugu jira askar iyo rayid la soo weriyay inay ku dhaawacmeen.

Saldhiga xaafadda Kaxda iyo guryaha ku xeeran ayaa iyana waxa gaaray burbur xoog leh kadib markii uu ku qarxay gaari waxyaabaha qarxa lagu soo raray.

Gudoomiyaha Al-Shabaab ee gobolka Banaadir ayaa wareysi uu bixiyey shaley ku sheegay in weeraradii ay ka geysteen Kaxda iyo Yaaqshiid ay qeyb ka ahaayeen weerarada lagu beegsanayo ciidanka dowlada, isagoo ku goodiyey inay sii wadi doonaan weeraradaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=F3mts6i6Z2I

Related posts

Ganacsade Cabdi Cali Faarax oo lagu soo dhaweeyay magaalada London (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Abiy Axmed oo laga Duubay Cod sir ah iyo Dowlada Itooiya oo War kasoo saartay

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo si weyn loogu soo dhaweeyay Gadoon (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---