Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Deni oo dhagax dhigay Dhismaha xarun cusub oo laga hirgelinayo Garoowe (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dhaggax dhigay dhismaha cusub ee Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Puntland.

Deni ayaa Munaasabadda kaga dhawaaqay magaca cusub ee Wasaaradda Isgaarsiinta, Tiknoolajiyadda, Warfaafinta, Dalxiiska, Hiddaha iyo Dhaqanka. Wuxuu Madaxweynuhu muujiyay muhiimada ay Wasaaraddan u leedahay Dowladdnimada iyo wacygelinta Bulshada.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Puntland, oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Kordhinta Mushaharaadka Shaqaalaha, Ansixinta dhismaha Shirkada Korontada Puntland (Pepco), Ansixinta magac bedelka Wasaaradda Waraafinta iyo warbixin ku saabsan ka jawaabista saameynta ka dhalatay Abaarta.

Kulanka ayaa Madaxweynuhu warbixin uga dhegaystay Wasaaradaha kala duwan ee Dowladda oo Golaha la wadaagay sida wanaagsan ay u socdaan adeegyada loo hayo Bulshada.

Golaha ayaa ansixiyey dhismaha Shirkada Korontada Puntland (Pepco) oo ay ku mideysnaan doonaan dhammaan Shirkadaha korantada ee ka jira Puntland, Waxaana Golaha usoo gudbisay Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta oo ka duuleysa Xeerkii Madaxweynuhu Shirkaddan ku dhisay 18-kii Bishii April 2020. Sidoo kale wuxuu Goluhu ansixiyey magaca cusub ee Wasaaradda Isgaarsiinta, Tiknoolajiyadda, Warfaafinta, Dalxiiska, Hiddaha iyo Dhaqanka.

Ugu danbeyn Madaxweynaha ayaa boggaadiyay in lagu guulestay oo ay si wanaagsan u dhaqan gashay Mushahar kordhinta Shaqaalaha loo sameeyay, taasi oo ah tallaabo taariikhi ah oo ay qaaday Dowladda Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=F3mts6i6Z2I

Related posts

Dagaal culus oo dib uga qarxay Khartuum iyo Xabbad joojintii oo bur burtay

Cabdi Cade

Wasiir Abuu Mansuur oo soo bandhigay Qorshayaal looga adkaan karo kooxda Al Shabaab

Cabdi Cade

Madaxweyne Axmed Madoobe oo Daah-furay Shir diirada lagu saarao Afar qodob

Cabdi Cade
Taboola Ads ---