Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Madaxweyne Biixi oo la kulmay wafdi uu horkacayey MP. Gavin Williamson (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta  qasriga madaxtooyada ku qaabilay wefti xildhibaanno ah oo ka socda Baarlamaanka dalka Uk oo uu hoggaaminayo MP. Gavin Williamson.

Madaxweynuhu waxa uu uga mahadnaqay xildhibaannada, dooddii ay Baarlamaanka UK dhawaan horgeeyeen ee la xiriirtay qaddiyadda Somaliland, adkaynta xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee hore uga dhexeeyey labada dal, isaga oo soo dhaweeyey booqashada rasmiga ah ee ay ku yimaaddeen Somaliland.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu fariin u diray dhammaan baarlamaanada kale ee caalamku inay ku daydaan baarlamaanka Uk oo ay ku dhiirradaan inay horkeenaan golayaashooda doodda la xiriira qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland.

Ugu danbayn madaxweynuhu waxa uu ugu baaqay dawladda Uk inay ballaadhiso xafiiska dawladda Ingiriisku ku leedahay caasimada Somaliland ee Hargeysa si uu u bixin karo adeegyo bulsho  oo dhamaystiran.

Kulankan waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud iyo wakiilka Somaliland u fadhiya Ingiriiska Amb. Cabdi Cabdilaahi Diiriye.

Xubnaha Weftiguna waxay kala ahaayeen, Hon Gavin Williamson CBE, MP Lord Stuart Polak, Lord Edward Udny Lister iyo Hon Alun Cairns MP.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=F3mts6i6Z2I

Related posts

Ahlu Sunna oo Weerar ay khiyaano badan u adeegsatay ku leesay Ilaalada Saadaq Joon

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Sida magaalada Baladweyne u saameesay Fatahaada Wabiga

Cabdi Cade

Maxaa sababay in uu baaqdo Shirkii Muqdisho ee maanta & Xildhibaan weerar ku qaaday hab dhaqanka Villa Somalia !!

admin
Taboola Ads ---