Waxaa degmada Baraawe ee Gobolka Sh/hoose lagu soo gebagebeeyey doorashada lix ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.
Kursiga Koowaad ee Hop062 oo uu horay ugu fadhiyay Cali Yuusuf Cismaan ayaa waxaa ku guuleystay Aweys Maxamed Cumar oo helay 80 cod halka musharaxii la tartamayey ee Abuukar Maxamud Macalin Cumar uu heley 20-cod, waxana halaabay laba Cod.
Kursiga labaad ee Hop251 ayaa waxaa horay ugu fadhisay Muno Khaliif Sheekh Abuu (Muno-key) balse waxaa maanta ku guuleysatay walaasheed Nuural-cayn Khaliif Shekh Abuu, iyadoo heshay codad gaaraya 90-cod halka musharaxii la tartamaysay Faaduma Abuukar Shekh ay heshay 8-cod, waxaana halaabay laba Cod.
Kursiga Saddexaad ee Hop195 oo uu ku fadhi uau Maxamed Nuuraani Bakar ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Xasan Maxamed (Murjaan) isagoo heley codad gaaraya 82-cod halka musharaxii la tartamayey ee Nuur Cali Nuur uu helay 19-cod.
Kursiga Afaraad ee Hop187 oo uu horay ugu fadhiyay Shariif Sheekhunaa Maye ayaa waxaa ku guuleystay guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Dr. Cali Saciid Faqi, isagoo helay codad gaaraya 80-cod halka musharaxii la tartamayey ee Nuur Cumar aadan uu halay 16-cod.
Kursiga Shanaad ee Hop057 oo uu ku fadhiyay Axmed Cumar Islow ayaa waxaa Maanta ku guuleystay Muqtaar Axmed Xasan oo heley codad gaaraya 87-cod halka musharaxii la tartamayey Iidle Ibraahim Nuur uu halay 7-cod, waxaana halaabay hal Cod.
Kursiga lixaad ee Hop194 waxaa markale ku guuleystay Wasiirka Dhalinyarada & Cayaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa isagoo heley codad gaaraya 83-cod halka musharaxii la tartamayey ee Qasaali Fiqi Abuu uu heley 12-cod.
Maamulka Koonfur galbeed ayaa noqday maamulkii ugu horeeyey ee soo gebagebeeyey degaan doorashadiisa labaad oo aheyd degmada Baraawe, xili maamulada kale ay weli la rafanayaan doorashadooda 1aad.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com