Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al-Shabaab oo shacabka Muqdisho ugu baaqay iney ka fogaadaan xarumaha DF

Guddoomiyaha Al-shabaab u qaabilsan Gobolka Banaadir Muuse Cabdi Carraale ayaa sheegay iney bilaabeen weeraro toos ah oo lagu qaadayo degmooyinka magaalada Muqdisho.

Carraale oo horey u ahaa afhayeenka kooxdii Xisbul Islaam ee ku biirtay Al-shabaab oo la hadlayey warbaahinta Al-shabaab ayaa tilmaamay in weerarkii habeen ka hore lagu qaaday degmooyin ka tirsan Muqdisho ay hub iyo saanad badan kaga furteen Ciidamada dowladda.

“Al-shabaab hub iyo saanad ma soo iibsadaan balse ciidamada dowladda Federaalka ayey ka furtaan isla iyaga ayaana dib ugu weerarnaa” ayuu yiri

Carraale ayaa ku goodiyey inay maalmaha soo socda Muqdisho ku qaadi doonaan weerarro toos, isagoo shacabka ugu baaqay iney ka fogaadan goobaha iyo xarumaha ay joogaan ciidamada dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ku dhowaad 50 qof oo ku dhaawacmay dab ka kacay Magaalada Hargeysa (Sawirro)

Caydiid Ali

DEG DEG: Abwaan caan ah oo caawa lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Mareykanka oo Duqeymo culus ka geestay dhul buuraley ah oo kuyaalla Puntland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---