Guddomiye ku-xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasada ee Maamulka gobolka Banaadir Cali Yare Cali ayaa ka hadlay talaabada Guddiga doorashada Galmudug ay maanta shahaadada musharaxnimo ku guddoonsiiyeen musharaxiin ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Mahad Salaad
Mahad Salaad oo afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyey kursiga HOP147 ayaa la filayaa inuu mar kale meel cidlo ah ka qaato kursigaas isagoo aan u gelin loolan adag.
Gudddomiye ku-xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasada ee Maamulka gobolka Banaadir Cali Yare Cali oo muddo dheer ku taamayey inuu kursigan tartan adag u galo ayaa hadda ka quustay inuu riyadaas rumeeyo ka dib markii lagu celiyey magaalada Muqdisho, loona diiday inuu tago Dhuusamareeb.
Cali yare ayaa sheegay inui hambalyo hordhac ah u diray Mahad Salaad, isagoo balanqaaday inuu la shaqeynayo, isla markaana garab taagan yahay.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA CALI Â YAREÂ
Waxaan Hambalyo horudhac ah u dirayaa walaalkeey Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo la siiyay matali doona kursiga ka dhexeeya Beelaha Bah-Ina Xasan ee #Hop147.
Xildhibaanka Waxaan ugu hambalyeey Telefanka maadama aanan Dhuusamareeb tagin oo aan ahaa qofka kali ah ee uu Madaxweynaha Galmudug ka hor istaagay safarka iyo Tartanka intaba.
Sida aan Xildhibaanka ugu ballanqaaday telefanka waxaan u garab istaagi doonaa si buuxda oo walaalnimo leh, waxaanan ula shaqeyn doonaa sidii aan aniguba jeclaan lahaa inuu iila shaqeeyo haddii aan kursiga ku soo baxo.
Waxaan u Mahadcelinayaa qeybihii kala duwanaa ee Bulshada ee sida hagar la’aanta ah ii garab joogay muddadii uu damaca kursigu igu jiray.
Aniga oo fursadaan ka faa’iideysanaya waxaan Beelaha kursiga wada leh ugu baaqayaa Iscafin, midnimo, walaalnimo iyo in la iska iloobo wixii dadka walaalaha kala gaaray muddadii ololaha kursiga lagu guda jiray.
Markastana waxaan xoojinayaa doodda ah in la kala saaro Xildhibaanka la doortay iyo gefka, ku takri-fal awoodeed iyo ihaanada uu Axmed Qoorqoor u geeystay Beelaha kursiga wada lahaa oo aan Xildhibaanka la saarin eed shaqsi kale.
Waxaan Qorsheynayaa inaan Muqdisho dhigo gogol nabadeed iyo wadahadal dhexmarta dhammaan musharixiintii kursiga ku wada hamiyay si la isku cafiyo loogana wada shaqeeyo midnimada Beesha iyo Dowladnimada – markii wadahadalkaasi noo soo dhamaado waxaan marti gelin doonaa Xaflad damaashaad ah oo lagu soo dhaweynayo Xildhibaanka la doortay dadka kale ee Soomaaliyeed ee walaalaheen ahnna aan ugu muujin doonno in Midnimadeenna, wadajirkeenna iyo walaaltinnimaddeennu ay ka weyntahay kursi muddo kooban jiraya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com