Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirkii dhowaan iska casilay Galmudug oo eedeymo culus u jeediyey Qoorqoor

Wasiirkii qorsheynta Galmudug Cabdinaasir Cilmi oo maalmo ka hor iska casilay xilkaas, kana tanaasulay musharaxnimadiisii kursiga tirsigiisu yahay 147 ayaa sheegay in kursiga loo xirey shaqsi gaar ah.

Cabdinaasir Cilmi ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor inuu dulmiyey qaar ka mid ah beelaha dega Galmudug, uuna ka door biday raali gelinta Madaxweyne Farmaajo.

“Madaxweyne Qoorqoor Aragti kama laha cidda uu madaxweynaha Soomaaliya la rabo, Ra’isul Wasaarihii deegaanka kasoo jeedayna dagaal buu kula jiraa” ayuu yiri

Isagoo sii hadlayay ayaa waxaa uu yiri “Kursiga waxaa laga dhigay mid uu nin jeebka ku wato, waxaana lagu dulmiyay beelihii lahaa kursiga”.

Waxaa uu sheegay in markii ugu dambeysay ee uu la fariistay madaxweyne Qoor Qoor uu si cad ugu sheegay in kursiga uu qof u balanqaadday, uuna kursiga ku siinayo dariiq kasta, isagoo sida uu wasiirka sheegay wacad ku maray in waraaqda diiwaangalinta uu ka hor istaagi doono dhammaan musharixiinta kursiga danaynaya.

Kursigan ayaa maanta si rasmi ah uu isugu diiwaangaliyay Xildhibaan Mahad Salaad oo horey ugu fadhiyay waxaana musharaxiinta kale ee loo diiday iney u tartamaan ka mid ah Cali Yare Cali oo ka mid ah xubnaha sida weyn ugu dhow Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin loo xiray inuu ka qeyb qaatay kufsi wadareed dhacay 22 Sano ka hor (Sawirro)

Caydiid Ali

Somaliland oo jawaab culus ka bixisay hadalkii ka soo yeeray Madaxweyne Deni

Caydiid Ali

Dagaal saaka dhexmaray ciidamada SSC & kuwa Somaliland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---