Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Rooble oo amar deg deg ah siiyey laamaha amaanka ka dib weeraradii xalay

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble  ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray hay’adaha amniga dalka, kadib  weeraradii xalay ka djacay qeybo ka mid ah Muqdisho.

Kulalan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka amniga, taliyeyaasha ciidamada Booliska, NISA iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

RW Rooble faray hay’adaha amnigu inay qaadaan tallaabooyin dheeri ah oo lagu xoojinayo amniga magaalada Muqdisho, maadaama lagu jiro xili xasaasi ah oo dalka ay ka socdaan doorashooyin.

Ugu yaraan afar qof oo labo kamid yihiin rayid ayaa lagu dilay weerarro is xigxigay oo xalay saqdii dhexe lagu qaaday, saldhigyo ay fadhiyeen, ciidamada dawladda oo ku yaala xaafadaha kulaala daafaha caasimada Muqdisho.

Sidoo kale labaatan qof oo iyana isugu jira askar iyo rayid ayaa la soo weriyay inay ku dhaawacmeen duulaanka Al-Shabaab sida laga soo xigtay booliska iyo dad goobjoog ah.

Saldhiga xaafadda Kaxda iyo guryaha ku xeeran ayaa iyana waxa gaaray burbur xoog leh kadib markii uu ku qarxay gaari waxyaabaha qarxa lagu soo raray.

Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarada ka dhacay xalay Muqdisho, waxayna intaa ku dareen inay cagta mariyeen dhawr saldhig oo ciidamada dawladdu fadhiyeen, isla markaana ay khasaare laxaad leh gaarsiiyeen ciidamada dawladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Wasiirka Arimaha Dibadda Eritrea oo Damaashaad loo geeyay Xeebta Liido

Cabdi Cade

Wasaaradda Amniga oo iska fogeysay in uu la shaqeeyo Cabdullaahi Ganey

Cabdi Cade

Waa Kuma Agaasimihii Awooda badnaa ee dhawaan Xil ka qaadistiisa safka loo galay ?

Cabdi Cade