Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan cusub oo loo doortay Kursigii uu ku fadhiyay Guddoomiye Cabdiweli Muudey

Waxaa saakay magaalada Baraawe ee caasimadda rasmiga ah ee Koonfur Galbeed ka socota doorashada kuraasta xildhibaanada gollaha shacabka gaar ahaan kuwa loo qorsheeyay in magaaladaasi lagu doorto.

Magaalada Baraawe ayaana maanta iyo beri lagu dooranayaa ilaa 13-kursi oo kamid noqonaya gollaha shacabka, waxaana kurasatan noqonayaan kuwii ugu dambeeyay ee lagu doorto magaalada Baraawe.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP145 uu horey ugu fadhiyay guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee baarlamaanka federaalka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey dhawwaana loo diiday in uu u tartamo ayaa goordhaw loo doortay Xildhibaan cusub.

Doorashada kursigan oo loo xiray musharax ay wadatay Villa Soomaaliya ayaa waxaa ku guuleestay nin qurbojoog ah oo lagu magacaabo Maxamed Cabdalla Axmed oo helay 90-cod halka musharaxii malxiiska u ahaa uu helay 8-cod , waxaa halaabay 3-cod.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee baarlamaanka waqtigiisu dhammaaday  Cabdiweli Muudey ayaa loo diiday in kursigan u tartamo, Fahad Yaasiin oo hami kaga jiro in uu noqdo Guddoomiye kuxigeenka baarlamaanka ayaana la sheegay in tallaabadan ka dambeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=MRlWDJfngnc

Related posts

Askar katirsan Booliiska oo Qur’aan Akhris lagu abaalmariyay (Sawirro)

Cabdi Cade

RW Khayre oo caawa ku soo laabtay dalka ka dib safaro uu ku tagay saddex dal (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne hore iyo Siyaasiyiin Caan ah oo qaatay Shahaado Musharaxnimo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---