Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Danjire James Swan oo War cusub ka soo saaray sida ay ku socoto doorashada Somalia

Isagoo maanta magaalada New york warbixin kooban ku siinayey Golaha Ammaanka, ayuu Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan soo dhoweeyay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay hannaanka doorashada.

Waxaa uu xusay in 130 ka mid ah 275-ta kursi ee Golaha Shacabka la soo buuxiyay ilaa hadda, wuxuuna ku baaqay in la dedejiyo doorashada  kuraasta hartay.

Waxa uu sheegay in madaxda Soomaaliya  looga baahan yahay inay laba jibaaraan dadaalkooda si loo gaaro qoondada haweenka ee 30% ee doorashada  baarlamaanka, iyo in la hubiyo in matalaadda haweenka ee baarlamaanka ay sii kordhineyso in horay loo sii socdo.

Hadalkiisa waxa uu Ergaygu ku boorriyay madaxda Soomaaliya in ay meel iska dhigaan khilaafka, kana shaqeeyaan danta dhammaan shacabka Soomaaliyeed, soona gebagebeeyaan doorasho lagu kalsoonaan karo, isla markaana dib diiradda loo saaro dadaallada mudnaanta qaran leh sida amniga, dawlad- dhiska iyo horumarka.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan wuxuu maanta u sheegay Golaha Ammaanka in ay Soomaaliya ay ka jiraan abaaro ba’an oo masiibo bini’aadannimo  ay oo ka dhalan karto, isagoo xusay in loo baahanyahay in la kordhiyo  gargaarka degdeg ah si dadka Soomaaliyeed ee u baahan  taageerada u helaan gargaar naf-badbaadin ah.

Related posts

Dal ogaaday in uu leeyahay in ka badan 7,000 oo jasiiradood oo cusub !

Cabdi Cade

Daawo :-Damaashaadka iyo Dabaal dega Maalinta Ciida ee Magaalada Muqdisho

admin

RW Abiy Ahmed oo kashifay qorsheyaal halis ah oo ay damacsan tahay TPLF

Caydiid Ali
Taboola Ads ---