Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DF oo Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay hor dhigtay dalab xasaasi ah

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay codsatay in la joojiyo Qaraarka Golaha Ammaanka ee La-dagaalanka Burcad-badeedda ee tirsigiisu yahay 2608(2021) ee Maarso 3, 2022.

Xeebaha Soomaaliya ayaan aheyn hadda meel halis iyadoo aysan jiran warbixin sax ah oo cadeynaysa inay xalis dhanka nabad-geliyaha ah ka jirto isu socodka gaadiid badda ee mara badda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Arintan ayaa noqotay mashruuc la buun buuniyay oo Dowladda shisheeye ay shaqo ka dhigteen, hase ahaa maanta oo taariikhdu 15 February 2022 ayay Dowladda Soomaaliya u suuragashay in gebi ahaan la xiro mushruucan sumcad xumadda xambaasanaa muddada dheer.

Danjire Abuukar Daahir Cusmaan “Baale” ayaa saacado ka hor Golaha Ammaanka ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ka sheegay in guud ahaan la joojiyay Mashruuc La-dagaalanka Burcad-badeedda, maadaama aysan xeebaha Soomaaliya ka jirin wax Burcad-badeedda ah.

Danjire Abuukar Baale ayaa yiri “shantii sano ee lasoo dhaafay wax weerar Burcad-badeedda ah kama dhicin xeebaha dalkeena sidaas darteed shaqadda howlgal caalamiga ee loogu magacdaray La-dagaalanka Burcad-badeedda waxaa looga faa’iideysan karaa arimo oo lagu xoojin karo Dowladnimada Soomaaliya ee taageeradda beesha caalamka”

Danjiraha ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay dadaalka ay bixinayaa Saaxiibadda Soomaaliya si gaaro hiigsiga fog.

Related posts

Goob ay dad Muslimiin ah ku cibaadeesanayeen oo la duqeeyay iyo dad badan oo dhintay

Cabdi Cade

Israa’il oo Dal Carbeed oo dhawaan xiriir la yeeshay ku abaal marineysa Qamadi badan !!

Cabdi Cade

Booliiska Magaalada Minneapolis oo lakala dirayo iyo Sababta keentay oo la shaaciyay

Cabdi Cade