Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Geelle oo xirxiray Saraakiil ka tirsan ciidanka Jabuuti oo looga shakiyey afgembi

Madaxweyanaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xabsi guri geliyey Taliyeyaasha Booliska iyo milateriga dalkaas Col. Cabdilaahi Faarax iyo Jeneraal Zakariye Sheekh Ibraahim.

Warar kale ayaa sheegaya in isna xabsi guri la geliyey Boode Rooble oo horey uga tirsanaa golaha wasiirada Jabuuti.

Dowlada ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin arintan balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in saraakiishan iyo dadka kale ee la xiray looga shakiyey iney damacsanayeen afgembi ciidan oo ka dhan ah madaxweyne Geelle.

Ciidanka ilaalada madaxtooyada dalkaas ayaa heegan la geliyey iyadoo saraakiishan guryahooda lagu xirayna laga hayo ilaalo aad u adag.

Madaxweyne Geelle oo ka mid ah madaxda fara ku tiriska ah ee ugu waqtiga dheer afrika ayaa xukunka dalkaas majaraha u hayo muddo 22 sano ka badan, iyadoo dhowrkii sanaba la qabto doorasho  aan lagu tartamin oo isagu uu ku soo baxo.

 

Related posts

Dhacdo argagax leh oo ka dhacday Muqdisho iyo bulshada oo si weyn u hadal heysa

Cabdi Cade

Magaca iyo Sawirka askarigii xalay dilka ka geestay Muqdisho oo lasoo bandhigay

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo ka hadlay Maqaamka Muqdisho iyo cida hor taagan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---