Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

C/raxmaan C/shakuur: “Ka mid maaha Siyaasadeena aargudasho & kala adkaansho”

Hoggamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharrax madaxweyne C/raxmaan C/shakuur Warsame, oo safar ugu maqna magalada Dhuusamareeb ee casimadda Galmudug ayaa caawa dib ugu soo laabtay Muqdisho.

C/raxmaan C/shakuur oo kursi xildhibaanimo ka soo qaatay magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay kulan xalay uu la yeeshay Saadaq John iyo Kulane jiis, kaasoo uu ka soo shaqeeyey Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor.

HOOS KA AKHRISO QORAAL UU ARINTAAS KAGA HADLAY

Madaxweynaha Galmudug Axmad Cabdi Kaariye (QoorQoor) ayaa xalay xilli danbe iskugu kaaya keenay Saadaq Cumar (John) iyo C/llaahi Aadan Kulane oo labadu xildhibaanno uga soo baxay Galmudug. Kulanka oo aan la sii qorshaynin ayuu madaxweyne QoorQoor codsaday in aan ka wada hadalno dhib  guud iyo mid gaar ah oo horay innoo dhexyaallay. Is fahan iyo heshiis billow ah ayaan gaarnay.

Horay ayaan dad dhib noo gaystay u cafinay, sababtoo ah siyaaddeena ka aargudasho iyo kala adkaansho ka mid maaha, laakiin marna caddaalada ka tegi mayno.

Qofka wixii dhib loo gaysto waa cafin karaa, goorta uu doono, gaar ahaan marka loogu soo geed fariisto.  Tani  maaha mid ka hor joogaysanaysa ummadda Soomaaliyeed iyo gaar ahaan qofkii dhibane kale ah inuu cadaalad helo ama raadsado.

Siyaasi walba waxaa maxkamad bulsho u ah sooyaalkiisa dadku wada hayaan, isagayna dan u tahay inuu ka garaabo, gafkiisana cafis uga raadsado qof kasta oo wax ka tabanaysa. Haddii dalku yeesho maxkamado macno leh waxay innoo xallin doonaan waxyaalo badan mustaqbalka waana mid ah yahay in laga wada shaqeeyo sidii loo heli lahaa.

 

Related posts

Antonio Guterres: “Marinka Qaza wuxuu noqon doonaa Xabaalaha Carruurta”

Caydiid Ali

Danjiraha Mareykanka ee Somalia oo hal arrin ku amaanay Shiikh Aadan Madoobe

Caydiid Ali

(Akhriso) Qaar ka mid ah Madaxda beri ka qeyb galeysa Xaflada Caleema saarka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---