Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Itoobiya oo go’aan cusub ka soo saartay xaaladii deg dega aheyd ee dalkaas la geliyey

Baarlamaanka Ethiopia ayaa meel mariyey qaraar uu Raisal Wasaaraha dalkaasi Abiy Ahmed horkeenay golahiisa wasiirada kaasoo ah qaadista xaaladda deg dega ah ee dalkaas lagu soo rogay dhowr bilood ka hor markii xoogaga TPLF ay ku soo dhowaadeen Addis ababa.

Xaaladda ayaa looga gol lahaa in lagu adkeeyo amaanka caasimada xilli ay falaagada TPLF ay ku hanjabayeen in ay soo gali doonaan caasimadda.

Wareegtada xaaladda deg degga ah ayaa la soo saaray bishii November ee sanadkii hore xilli TPLF ay dagaal kula jirtay dowladda federaalka in ka badan shan iyo toban bilood.

TPLF ayaa beenisay inay beegsatay dadka rayidka ah. In ka badan 300 oo kun oo qof ayaa la sheegay inay ku barakaceen dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Canfarta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka qaldan Shirkada Beco? (Shacabka Muqdisho oo qaati ka taagan koronto xumo)

Caydiid Ali

(Sawirro) RW Khayre oo kormeeray Xarumaha Muhiimka ah ee dowlada qaarkood

Caydiid Ali

Golaha Wasiirada Somaliland oo loo bandhigay qorshaha dhisida guryaha shaqaalaha 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---