Wasiirka Qorsheynta Dowlad Goboleedka Galmudug C/naasir Geelle ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkiisa.
C/naasir Geelle ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ku sheegay inuu gadaal ka faah faahin doono sababta iscasilaadiisa.
Mr. Geelle ayaa noqonaya Wasiirkii 2-aad ee iska casila Galmudug, waxaa Ka horeeyey Axmed Macalin Fiqi ahaa wasiirkii amniga maamulkaas.
Wasiir Cabdinaasir Geelle ayaa ka mid ahaa musharaxiinta u taagnaa kursiga Hop147 oo uu kufadhiyo markalena u taagan yahay Xildhibaan Mahad Salad.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA