Allbanaadir.com
NEWS

Trudeau oo awood dheeri ah u adeegsanaya dibed baxyada ka socda dalkiisa

Ra’iisal Wasaaraha Canada, Justin Trudeau ayaa adeegsaday awood aan horay looga baran si uu u soo afjaro dibedbaxyada ka dhanka ah xayiraadaha uu keenay cudurka Civid-19.

Awoodaha uu isticmaalay ra’iisal wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah kuwo u oggolaanaya booliska inay xiraan oo ay ganaaxaan shakhsiyaadka ay tuhmaan, Trudeau ayaa sheegay inuu ka fursan waayay tallaabada uu qaaday.

Talaabadan ayaa ka dambeysay markii ay dallaas ka bilowdeen isu soo baxyo looga soo horjeedo sharci cusub oo ah in dhammaan gaadiidleyda ay tahay in la tallaalo si ay uga gudbaan xadka Mareykanka iyo Canada, ama la karantiilo marka ay soo laabtaan

“Tani waxay ku saabsan tahay in dadka reer Canada la badbaadiyo, lana ilaaliyo shaqooyinka dadka,” ayuu Mr Trudeau ku sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay Isniintii.

Waxa uu sheegay in booliiska la siin doono “qalab badan” si ay u xiraan ama u ganaaxaan dibadbaxayaasha iyo ilaalinta kaabayaasha muhiimka ah, Mr Trudeau ayaa u sheegay saxafiyiinta in sharciga la xirriira xanibaadaha Covid-19 loogu dhaqmi doono si gaar ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xassan Shiikh oo kulan sagootin ah la qaatay Tina Intelman (Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax gaari lagu soo xiray oo ka dhacay Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Hoobiyeyaal lagu garaacay madaxtooyada Soomaaliya iyo Ciidamo badan oo loo diray Gobalka Sanaag !!

admin
Taboola Ads ---