Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jabuuti oo gacanta dowlada Somalia ku soo celisay hanti maguurto ah

Safiirka Soomaaliya ee dalka Jabuuti Salaad Cali Jeelle oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in safaaraddu ay ku guuleysatay inay ka shaqeyso sidii dowladda Jabuuti ay gacanta dowladda Soomaaliya dib ugu soo celin laheyd dhismayaal uu ku jiro dhismihii Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, faraciisa dalka Jabuuti.

Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in arrintaan ay suurta gashay kadib markii uu kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo aad ugu mahad celiyey madaxweynaha iyo wasiirka maaliyadda Jabuuti Ilyaas Dawaale.

“Ka safaarad ahaan doorkeenii waan qaadanay ugu dambeyntiina waxaa noo suurta gashay in heshiiska ay Jabuuti ku wareejineyso hantida dowladda Soomaaliya uu noo soo gabagaboobo 9-kii bishaan Febraayo 2022,” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Safiirka Soomaaliya u jooga Jabuuti ayaa intaas ku sii daray, “Guryihii aan ku laheyn dalkaan Jabuuti oo faracii Bandhiga Dhexe ee dalkaan uu ku jiro, hadda waxay soo galeen gacanta dowladda Soomaaliya.”

 

Related posts

Ammaanka Muqdisho oo saakay si weyn loo adkeeyay iyo Bannaan-bax weyn oo dhacaya

Cabdi Cade

Xuutiyiinta Yemen oo Badda cas ku weeraray Maraakiib kale oo laga leeyahay Israel

Caydiid Ali

Laamiga Dayniile oo 30-sano kadib dib u dhis casri ah lagu sameenayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---