Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nicos Nouris oo ka jawaabay eedeyn dhowaan ka soo yeertay dowlada Somalia

Wasiirka arrimaha gudaha Giriiga Nicos Nouris ayaa sheegay inaaney sameynin wax xad gudub ah, marka ay timaado sida ay ula tacaalaan dadka muhaajiriinta ah.

Nicos Nouris ayaa intaa ku darey in dhacdooyinkii ugu dambeeyey aaney ku kicin ciidankooda ilaalada xuduudaha wax xad gudub ah.

Waxaa uu carabka ku dhuftey in dhammaan wadamada ay xaq u leeyihiin iney ilaashadaan xuduudahooda.

Hadalka wasiirka ayaa yimid xili Dowladda Soomaaliya ay dhowaan sheegtay in shan ka mid ah 12-kii tahriibayaasha ee dhawaan qabowga, ugu dhintay xadka Turkiga iyo Giriiga ay ahaayeen Soomaali.

Qoraal ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay si weyn uga xumaatay dhacdadaas naxdinta leh, waxayna dalbatay in la sameeyo baaritaan ku aadan dhimashada muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Saraakiisha xudduudaha dalka Giriiga ayaa lagu eedeeyey iney tahriibayaashaasi dib ugu soo celiyeen xudduudda, ayna ku amreen iney dharka culus dhigaan taasoo sababtay iney u dhintaan qabow ka dhashay baraf culus oo da’ayey.

 

Related posts

Madaxweyne Farmaajo ma heli Doonaa Badalkii Mahdi Guuleed oo ka fogaaday?

Caydiid Ali

Iiraan oo soo bandhigtay Gantaal Nuuca ridada dheer oo casri ah (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo shaacisay nooca iyo sida loo fuliyey qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir

Caydiid Ali
Taboola Ads ---