Allbanaadir.com
NEWS

Cali Yare oo si adag uga hadlay cida maanta u diiday in uu ka dhoofo Garoonka Muqdisho

Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa maanta u diiday in garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka dhoofo guddoomiye kuxigeenka amniga maamulka Gobolka Banaadir Cali Yare oo ah musharax xildhibaan.

Cali Yare iyo ciidamo uu watay oo kusii jeeday magaalada Guriceel ayaa loo diiday in ay ka baxaan garoonka , waxaana lagu qasbay Cali Yare iyo xubnihii la socday in ay dib ugu laabtaan guryahooda.

Qoraal uu soo saaray Cali Yare ayuu ku beeniyay in ciidamada NISA ay safarkiisa baajiyeen, waxa uuna xusay in aysan jirin sabab ay hay’adda NISA ay madax ka yihiin rag saaxiibadiis ah uga hor istaagi karaan in uu safro.

Guddoomiye kuxigeenka Amniga gobolka Banaadir ayaa sheegay in Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor masuul ka ahaa in safarkiisa la baajiyo, waxa uuna xusay in NISA ka dalbaday in aysan usoo duuli karin Galmudug.

”Waxaan beeninayaa wararka sheegaya in Hey’adda NISA oo ay madax ka yihiin saaxiibo aan shaqo-wadaag nahay ay hor istaag ku sameeyeen aniga iyo waftigii ila socday oo safar u ahaa Galmudug – ma jirto mana jiri karto sabab ay Hey’ad amni oo Gobolka Banaadir ka howlgasha ay ku hor istaagi karto safar aan hoggaaminayo maadaama aan anigu fadhiyo xafiiska Amniga Caasimadda – Waxaanse bulshada u xaqiijinayaa inuu shalay, xalay iyo saakay-ba Madaxweynaha Galmudug la soo xariiray Hey adda NISA kana dalbaday in aniga iyo waftigeygu aanan Galmudug u soo duuli karin sida ay Madaxda NISA ii xaqiijiyeen.” ayuu yiri Cali Yare.

Tallaabadan safarka looga baajiyay Cali Yare oo u sharaxan kursiga uu Mahad Salaad ku fadhiyo ayaa kusoo aadeysa xili sidaan oo kale garoonka Aadan Cadde loogu diiday in uu ka dhoofo Guddomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Cabdiweli Muudey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo magacaabay guddiga qaban qaabada Ololaha doorashada ee…

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in Farmaajo uu taageero la xiriirta doorashada weydiistay Itoobiya?

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Magaalada Oslo kula kulmay Erna Solberg (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---