Guddiga doorashada heer dowlad goboleed Galmudug ayaa shaaciyay jadwalka iyo habraaca doorashada kursigii ugu dambeeyay kuraasta Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Kursigan aqalka sare oo doorashadiisa ka dhaceyso magaalada Dhuusomareeb ayaa guddiga doorashada Galmudug shaaciyeen in la dooranayo 16-ka bishan oo beegan maalinta arbacada.
Kursigan lagu dooranayo magaalada Dhuusomareeb ayaa horey waxaa ugu fadhiyay oo iska casilay Yuusuf Geelle Ugaas Dhagey oo mar kale loo doortay xildhibana katirsan gollaha shacabka, waxaana kursigan Aqalka sare loo xiray Wasiir katirsan Galmudug.
https://www.youtube.com/watch?v=IGs1VGTGzTA&t=204s