Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu C/wali Muudey ka yiri safarka laga celiyey ee Baraawe & talaabada uu qaadayo?

Gudoomiye ku-xigeenka Baarlamanka xiligiisu dhamaaday ee Somalia C/wali Ibraahim Muudey ayaa ka hadlay cida maanta is’hortaaga ku sameysay safar uu ugu ambabixi degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose.

C/wali Ibraahim Muudey ayaa ka qeyb rabay tartanka kursi ka mid ah kuraasta golaha shacabka oo degaan doorashadiisu tahay degmada Baraawe.

“Qolada shirkada dayuurada aan raaci rabay markaan weydiiyey sababta ay iigu dideen inaan raaco dayuuradooda waxay ii sheegeen in maamulka Koonfur galbeed ay sidaas ku amreen, qolada aviationka baraawe ay ugu hanjabeen iney soo ridi doonaan dayuurada hadii aan raaco” ayuu yiri Muudey.

isagoo sii wata hadalkiisa ayaa C/wali Ibraahim Muudey waxaa uu talaabadaas ku tilmaamay mid xad gudub ku ah xoriyada aasaasiga ah ee muwaadinka Soomaaliyeed oo sida sharcigu qabo xaq u leh in la doorto, waxna doorto.

Kursiga qabiil baa iska leh ee qof malaha, sababta la iigu diiday Baraawe waa inaan doorashada u tartamo, arintaasna dadka ka dambeeya waala ogyahay, mana la iskaga hari doonana ma ahan” ayuu yiri C/wali Ibraahim Muudey.

Related posts

Farmaajo oo qaabilay Jen. Thomas D. Waldhauser & Saraakiil la socotay (Sawirro)

Caydiid Ali

Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo Ubax ku beeray Aqalka Martida Jubbaland (Sawirro)

Cabdi Cade

Masjidka Nasir Al Mulki oo si weyn usoo jiita Indhaha Dalxiisayaasha (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---