Allbanaadir.com
NEWS

Cabdiweli Muudey oo loo diiday in uu ka duulo garoonka Aadan Cadde iyo Xiisad taagan

Warar lagu kalsoonaan karo oon goordhaw helnay ayaa sheegaya in Guddoomiye Kuxigeenkii 1aad ee Baarlamaanka waqtigiisa dhammaaday Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey loo diiday in uu ka dhoofo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana halkaasi ka taagan xiisad ..

Cabdiweli Muudey iyo xubno la socda ayaa loo diiday in ay diyaarad ka raacaan garoonka Aadan Cadde isagaoo kusii jeeda magaalada Baraawe oo lagu dooranayo kursiga uu hada ku fadhiyo Muudey uuna doonayo in mar kale uu ku tartamo.

Sida aan wararka ku helnay isku daygan la doonayo in Cabdiweli Muudey ugu duulo Baraawe waxaa ka dambeeya lataliyaha Amniga Qaranka Fahad Yaasiin oo kasoo horjeeda in Cabdiweli Muudey mar kale kasoo mid noqdo gollaha Shacabka.

Fahad Yaasiin oo loo xirayo kursi deegaan doorashadiisa tahay Baladweyne uuna hada ku fadhiyo Faarax C/qaadir ayaa doonaya in uu isku soo sharaxo guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka federaalka, isaga oo ka cabsi qaba Muudey in uu isa soo sharaxo.

Wararka ana heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in Villa Soomaaliya iyo Fahad Yaasiin ka codsadeen madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen in kursiga dhaafiyo Cabdiweli Muudey loona xiro kursigaasi musharax kale ay wataan.

Guddoomiye Kuxigeenkii 1-aad ee Baarlamaanka Cabdiweli Muudey ayaa kamid ahaa dadkii sida weyn u taageersanaa Farmaajo una soo dagaalamay, waxa uuna hada wajahayaa xaalad tii hore ka duwan oo uga imaaneysa Farmaajo iyo ina adeerkiis Fahad Yaasiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaraxyo lagu hoobtay oo ka dhacay Masaajid lagu tukanayey Salaada Jimcaha (Sawirro)

Caydiid Ali

Siyaasi caan ah oo sheegay in qaraxyadii ka dhacay Muqdisho ay fududeeyeen Ciidanka xasilinta

Caydiid Ali

Madaxda Maamulada Puntland iyo Galmudug oo la isku keenay iyo Is afgarad la gaaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---