Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ahna musharax u taagan kursi Xildhibaanimo iyo midka Madaxweynaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta qaatay shahaadada musharaxnimo ee kursiga tirsigiiu yahay HOP138.
Kursigan oo doorashadiisa bari ka dhaceyso Dhuusomareeb ayaa waxaa ku loolamayay siyaasiyiin dhoor ah oo kasoo jeeda beesha iska leh , hasa ahaatee dadaalo ay sameeyeen odayaasha beesha ayaa ugu dambeyn loogu tanaasulay C/raxmana C/shakuur.
Guddiga doorashada heer dowlad goboleed Galmudug ayaana maanta shahaadada musharaxnimo ee kursigan siiyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo gabar malxiis u noqoneysa oo lagu magacaabo Naciimo Xuseen Cali.
Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir una taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa beri la filayaa in lagu doorto magaalada Dhuusomareeb, waxaana siyaasigan kamid yahay xubnaha ugu adag ee mucaaradka ku ah Farmaajo lana loolamaya .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com