Maamulka Israa’iil ayaa si tartiib tartiib ah uga howlgala qaar kamid ah wadamadda Khaliijka Carabta kaddib heshiisyo uu la galay, waxaana hada saraakiil u dhalatay Israa’iil shaqooyin ka qabanayaan gudaha wadamadda Carbeed qaarkood.
Sarkaal ka tirsan milatariga Isr’ael ayaa si rasmi ah oo joogto ah uga hawl geli doono boqortooyada Baxreyn, isaga oo noqon doona sargaalkii ugu horeeyay ee Isra’il oo shaqo toos ah ka qabta dal Carbeed.
Wasaaradda arrimaha dibadda Baxrayn, ayaa sheegtay in sarkaalkaa Isra’il ee ka hawl gali doona dalku ay qayb ka tahay iskaashiga caalamiga ah ee ujeedadiisu tahay ilaalinta nabadgelyada maraakiibta maraya biyaha gobolka.
Warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Baxreyn ayaa lagu sheegay in shaqada uu qabanayo sargaalkan u dhashay Isra’il ay la xiriito heshiis u dhaxeeya isbaheysi caalami ah oon la magacaabin oo ku mideesan yihiin 34 dowladood.
Baxreyn ayaa sidoo kale sheegtay in muhiimadda isbahaysiga cusub ay ka mid tahay ilaalinta marin biyoodka gobolka ku yaal iyo in la ilaaliyo ganacgsiga adduunka iyo in sidoo kala laga hortago burcad badeeda iyo argagixisada.
Dowladda Baxreyn ayaa kamid ah dowlado xiriir la yeeshay maamulka Isra’il, waxaana dhawwaan ciidamada Baxreyn qeyb ka ahaayeen dhoolotus ay si wadajir ah u sameeyeen ciidamada Isra’il, kuwa Mareykanka iyo Imaraadka Carabta.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://www.youtube.com/watch?v=GsckAZ0YL1w&t=22s