Dagaalyahan ka tirsanaa kooxda Alshabab ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka dowladda Soomaaliya, sida ay sheegtay warbaahinta dowlada
Cismaan Abii Bakar Maadey oo la sheegay in muddo saddex sano ah uu ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa la sheegay inuu ka qeyb qaatay dagaalo dhowr ah oo ka dhacay gobolka Bakool.
Sarkaal ka tirsan ciidamadab dowlada ayaa sheegay in Cismaan loo sameyn doono dhaqan celin iyo nolol wanaagsan, isagoo ugu baaqay xubnaha kale ee ku jira Al-shabaab iney ku daydaan Cismaan.
Ciidamada dowladda Soomaalida ayaa dhowr mar oo hore shaaciyay Saraakiil iyo xubno ka tirsanaa Al-shabaab oo isku dhiibay dowladda Soomaaliya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com