Allbanaadir.com
NEWS

Xil ka qaadis lagu sameeyay Cabdullaahi Nuur Xasan (Cadow) (Akhriso Digreeto)

Maamulka Jubbaland ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Gudoomiyihii degmada Baardheere ee gobolka Gedo Cabdulaahi Nuur Xasan (Cadow), waxaana xilkan loo magacaabay Gudoomiye cusub.

Digreeto kasoo baxday Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa xilka looga qaaday Gudoomiyihii Baardheere, waxaana lagu bedelay Ismaaciil Sheekh Qorax,oo horay u ahaa guddoomiye ku xigeenka Baardheere.

Sababta xilka looga qaaday Gudoomiyihii degmada Baardheere Cabdulaahi Nuur Xasan ayaa lagu sheegay shaqo gudasho la’aan iyo sidoo kale in uu diiday amarada madaxda isaga ka sareysa .

Halkan ka Akhriso digreetada Xil ka qaadista Gudoomiyaha Baardheere

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay ku saabsaneyd Warbixin uu maanta Wasiir Beyle siiyey Madaxweynaha Somalia?

Caydiid Ali

Kenya oo lacag aan caadi aheyn maalmo yar uga faa’iiday Jaadka Soomaaliya usoo dhoofisay

Cabdi Cade

Hanti Dhowraha iyo Gudoomiyaha Bangiga Dhaxe ee Puntland oo la magacaabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---