Hay’adda u dooda xuquuda Carruurta ee Save the Children ayaa walaac ka muujisay lix ruux oo dhowaan maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ku kala xukuntay dil Toogasho ah iyo xabsi.
Raggan ayay Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada Puntland ku eedeysay inay ka dambeeyeen dilal ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug iyo inay ka ka tirsanaayeen Al-shabaab.
Dhalinyaradan la xukumay ayay da’dooda u dhaxeysay 16 ilaa 20 sanno, waxaana la xiray bishii October ee sannadkii 2020 markaasoo da’dooda ka yareyd markii la xukumayey
Afar ka mid ah raggan ayaa lagu xukumay dil, iyadoo labo kale lagu riday xukun xabsi ciidan ah oo ah 20 & 30 sano.
Save the Children ayaa ku tilmaantay in raggan la xukumay ay yihiin carruur aan garaadsan, isla markaasna ay mudnaayeen in dhaqan celiyo.
“Waxaanu ka walaacsanahay xukunnadan, in dhalinyarada lagu xukumo dil iyo xabsi dheer – iyadoon loo eegin dambigooda – ma ahan mid ka hortag ah, waxaana hubaal ah inaysan waafaqsanayn heerarka caalamiga ah ee ay Soomaaliya aqbashay”. ayaa lagu yiri WarSaxaafadeed Safe the Children ay soo saartay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com