Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: Qarax dhimasho badan sababay oo ka dhacay degaanka Soomaalida Kenya

Ugu yaraan Shan qof oo rayid ah ayaa ku dhintay mid kalena dhawac culus ayaa ka soo gaaray qarax maanta lala beegsaday baabuur ay wateen rag qandarasleyda ah oo marayey duleedka magalada Masalani ee Ismamulka Garissa ee dalka Kenya.

Qaraxa oo ahaa mid wadada lagu aasay ayaa haleelay gaari nooca raaxada ah oo ay raggani saarnaayeen, sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.

Ma cadda cidda ka dambaysay qaraxaas, mana jirto cid sheegatay balse kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya ayaa looga bartay qaraxyadan noocan ah.

Booliska Kenya ayaa wada howlgalo baaritaano ah oo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey qaraxan inkastoo aanm la sheegin ilaa hadda cid ay u soo xireen.

Related posts

Wasiirro katirsan Xukuumadda Soomaaliya oo saakay gaaray degmada Buuloburde

Cabdi Cade

Askari weerar dad badan ku dhinteen ka geestay Thailand (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Howlihii dekeda Berbera ee Somaliland oo joogsaday & sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---