Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Cali Guudlaawe oo kulamo xasaasi ah ka wada Magaalada Baladweyne (Sawirro)

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Beledweyne kulamo kala duwan kula qaatay  Nabadoonada iyo Waxgaradka Beelaha Jidle, Shiikhaal, Makane Reer Shabeelle iyo Beesha Sedex Cumarow.

Cali Guudlaawe oo si gaar gaara ula kulmay beelahan ayaa uga mahadceliyay taageerada iyo garab istaaga ay u muujiyeen Dowladda Hirshabeelle, waxa uuna u sheegay inay heli doonaan xuquuq walba oo kaga maqan Maamulkiisa.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay in si wadajir ah looga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka bulshada, hay’addaha amnigana ay kala shaqeeyaan amaanka iyo xasilinta Magaalada.

Cali Guudlaawe oo maalmahan ku sugnaa magaalada Baladweyne ayaa halkaas ka wada kulamo kala duwan oo uu la yeelanaayo waxgaradka beelaha dega gobolka Hiiraan qaarkood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Warbixin 17 qodob ka kooban oo ka soo baxday DF (Maxaa looga hadlay)

Caydiid Ali

Hoggaanka Ahlu Sunna oo kulan deg deg ah ku leh degmada Dhuusamareeb & Xaaf oo war soo saaray

admin

Dhalinyaradda Beesha Daguuro oo Gudoomiye cusub ku Doortay Muqdisho (Muuqaal)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---