Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Cali Guudlaawe oo balan qaad u sameeyay Waxgaradka Beesha Gaaljecel (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Beledweyne kulan la qaatay Nabadoonada Waxgaradka iyo Cuqaasha beesha Gaaljecel.
 
Madaxweynaha waxaa kulankaan ku wehliyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdixakiin Luqmaan Xaaji iyo qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka waxaana looga hadlay sidii ay u wadashaqeyn lahaayeen beesha iyo dowladda la iskana kaashan lahaayen nabada Magaalada Beledweyne.
 
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay nabadoonada iyo waxgaradka beeshaan dooorkii muuqda ay ku lahaayeen aas aaska Dowladda Hirshabeelle iyo garab istaaga muuqda ay la garab joogaan Hirshabeelle.
 
Cali Guudlaawe ayaana u balan qaaday waxgaradka uu la kulmay inay heli doonaan xuquuq walba oo kaga maqan Hirshabeelle, waxa uuna kula dardaarmay in si wadajir ah looga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka bulshada, hay’addaha amnigana ay kala shaqeeyaan amaanka iyo xasilinta Magaalada Beledweyne

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Reer Galbeedka oo shuruud ku xiray in Taliban loo fasaxo Balaayiin dollar oo xaniban

Caydiid Ali

Siciid Deni oo ka hadlay Qabuuraha meydadka laga saarayo baaqna u diray Madaxweynaha

Cabdi Cade

Dagaal xooggan oo mar kale ka qarxay degmada Luuq

Cabdi Cade
Taboola Ads ---