Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) C/raxmaan C/shakuur oo lagu soo dhoweeyey Dhuusamareeb, kana hadlay..

Hoggamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharrax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaannada DF iyo Dowlad Goboleedka Galmudug, Saraakiil, Odoyaasha dhaqanka iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan.

“Waxaan galabta soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug. Waxaan si mug leh ugu mahadcelinayaa wasiirrada, xildhibaannada heer Federaal iyo dowlad goboleed, masuuliyiinta degmada, qaybaha kala duwan ee bulshada, saraakiisha iyo odayaasha dhaqanka ee sida miisaanka iyo milgaha leh ii soo dhoweeyey” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Hoggamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka waramay ujeedada safarka uu ku tagay magaalada Dhuusamareeb.

“Waxaan u tartamayaa mid ka mid kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Galmudug. Waxaan rajaynayaa doorasho hufnaan iyo  daahfurnaan leh” ayuu yiri hogaamiyaha xisbiga Wadajir.

Related posts

Siyaasiga Farxaan Cali Axmed oo ku biirey musharaxiinta xilka Ra’iisul Wasaaraha

Cabdi Cade

Golaha Wasiirrada oo meel-mariyey Qaraar iyo Hindise Sharciyeedyo muhiim uah (Sawirro)

Cabdi Cade

Dhaqtar Qaliin Madaxa uga sameeyay Bukaan aan aheyn kii u baahnaa !!!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---