Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Taiwan & Wasiirka A/Dibedda Somaliland?

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Ciise Kayd ayaa maanta magaalada Taipei kula kulmay Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen.

Ciise Kayd ayaa sheegay in booqashadiisa ay muujineyso go’aanka iyo adkeysiga aan wadaagno ee aan ku ballaarineyno kuna dheereyneyo saaxiibtinimada iyo iskaashiga labada dhinac.

Taiwan iyo Somaliland-ba aqoonsi kama haystaan QM, balse Ciise Kayd wuxuu sheegay in taasi aanay meesha ka saareyn xuquuqda ay Somaliland u leedahay inay hesho siyaasad arrimo dibadadeed oo madax-banaan.

Madaxweyne Tsai ayaa ku tilmaantay xiriirka mid ka mid ah guulihii diblomaasiyadeed ee ugu weynaa ee maamulkeeda.

Somaliland oo sheegtay inay Soomaaliya ka go’aday 1991-kii ayaan wax xiriir diblomaasiyadeed ah la laheyn dal kale.

Taiwan oo si iskeed ah isku maamusha, balse China ay sheegtao inay ka mid tahay, ayaa xiriir diblomaasi la leh 14 dal, balse waxay xiriiro aan toos aheyn oo xooggan la leedahay Mareykanka iyo inta badan dalalka caalamka.

Waxay xiriir rasmi ah la leedahay kaliya hal dal oo African ah oo ah boqortooyada Eswatini, oo horey loogu yaqiin magaca Swaziland.

Taiwan ayaa safaarad ka furatay caasimadda Somaliland ee Hargeysa bishii August 2020, halka Somaliland ay xafiis matalaad ka furatay Taipei 9-kii September ee isla sanadkaas.

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey dagaaladii caawa ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Qatar iyo Ethiopia oo yeelanaya iskaashi dhinaca Teknoolajiyada casriga ee Militeriga

Cabdi Cade

Madaxweynihii hore gobolka Tigray iyo ku-xigeenkiisii oo gacanta lagu dhigay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---