Allbanaadir.com
NEWS

Maamulka Somalilad iyo Shirkadaha Isgaariista oo gaaray Heshiis Wadaag ah (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa qasriga madaxtooyada, ku qaabiley madaxda shirkadaha gaarka loo leeyahay ee isgaadhsiinta oo uu heshiis guul ku soo dhammaaday dhexmaray maamulka Somaliland.
 
Heshiiskan oo nuxurkiisu yahay in la wadaago lahaanshaha xadhiga fiberka ah oo ah hanti qaran. Xadhigaas oo ay wada yeelan doonaan maamulka oo ay heshiishka ku matalayso Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda iyo saddexda shirkadood ee kala ah:
 
1. SOMCABLE oo uu metelayey Ganacsade Maxammed Siciid Geeddi.
 
2. SOMTEL oo uu metelayey Ganacsade Maxammed Siciid Ducaale.
 
3. TELESOM oo uu metelayey Ganacsade Cabdikariim Maxammed Iid.
 
4. Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland oo uu u saxeexay Dr. Cabdiweli Sh. Cabdilaahi Suufi.
 
Madaxweynaha  Somaliland waxa uu ku bogaadiyey heshiiska taariikhiga ah ee dhexmaray shirkadaha iyo maamulka  Somaliland ee ku qotoma Isfahanka iyo wada-shaqaynta, Isaga oo madaxwaynuhu uga mahadceliyey shirkadaha dalka maalgashaday iyo doorka ay ugu fadhiyaan qaranka oo ah mid lama illaawaan ah.
 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=XawlkEKXXgw

Related posts

Ciidamada Milatariga oo caawa la wareegay xarunta Degmada Howl Wadaag iyo Goobo kale

Cabdi Cade

Muqdisho Stadium – Xero-ciidan mise Garoon-ciyaareed ? !!!

Cabdi Cade

Saameyn Xoogan oo ka dhalatay Duufaanta Pawan ee ku dhufatay qeybo kamid ah Soomaaliya

Cabdi Cade