Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maraykanka:”Waan xaddideynaa Socdaalka kuwa carqaladeynaya dimoqraadiyada Somalia”

Xoghayaha arimaha dibadda Mareykanka  Antony Blinken ayaa sheegay iney xayiraad dhinaca socdaalka ah saarayaan kuwa uu ku sheegay iney carqaladeynayaan hanaanka dimuqraadiyada Somalia .

Wasiirka ma sheegin Magacyada shaqsiyaadka la saarayo xanibaada balse waxaa uu xusay iney ka go’an tahay taageerida nabada iyo dimoqraadiyada Somalia.

“Waxaan xaddideynaa Socdaalka kuwa ku lugta leh wax u dhimista dimoqraadiyadda Soomaaliya. Caqiidada habka dimuqraadiyadda waxay leedahay cawaaqib” ayuu yiri Antony Blinken.

Xoghayaha arimaha dibadda Mareykanka  oo sii hadlaya ayaa yiri “Mareykanka wuxuu si xooggan u taageeraa dadka Soomaaliyeed, waxaana naga go’an inaan ka wada shaqeyno horumarinta dimuqraadiyadda iyo barwaaqada labada dhinac.

 

Related posts

Shirkadda TikTok oo la timid xeelad looga badbaadinayo in laga mamnuuco Maraykanka

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Rooble oo baajiyay Banaan bax lagu waday in uu ka dhaco Muqdisho

Cabdi Cade

Baarlamanka DF oo su’aalo xasaasi ah weydiiyey wasiiro ka tirsan Xukuumada Xamse

Caydiid Ali
Taboola Ads ---