Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cali Guudlaawe oo si kulul uga hadlay dilka Nabadoon Cabdi Xuseen Colow

Madaxweynaha  Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyeeyay Geeridii naxtinta lahayd ee ku timid Allaha u naxariistee Nabadoon Cabdi Xuseen Coloow oo kamid ahaa nabadoonada ugu caansan Hirshabeelle gaar ahaan Gobolka Hiiraan oo caawa kooxo hubeysan ay ku dileen Magaalada Beledweyne.

Allaha u naxariistee marxuumka waxa uu ahaa qof samaha jecel afgaaban cibaado badan u damqada bulshada kuwooda liita qeybwayna ka qaatay nabadeynta iyo wadajirka bulshada Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha waxa uu u tacsiyeeynayaa qoyska ehelka iyo qaraabada uu ka baxay nabadoon Cabdi Xuseen Coloow waxa uuna Alle uga baryay inuu ka waraabiyo naxariistiisa Janno.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa faray Laamaha Amniga inay gacanta kusoo dhigaan cidii ka dambaysay falkaas, degdegna uga shaqeeyaan xasilinta Amniga Magaalada Beledweyne.

 

Related posts

Yoweri Museveni oo Eedeyn u jeediyay Facebook xili Uganda laga xiray baraha bulshada

Cabdi Cade

(Sawirro) Xuska 26-ka Juun oo caawa Dhuusamareeb lagu qabtay & RW Khayre oo ka qeyb galay

Caydiid Ali

Britain oo ka fiirsaneysa iney aqoonsi buuxa siiso dowlada Falastiin

Caydiid Ali
Taboola Ads ---