Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Wiil uu dhalay Usama Bin laden oo la shaaciyey inuu booqday dalka Afghanistan

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in taliban aysan sameynin talaabooyin xadidaya dhaq-dhaqaaqyada dowladda Islaamiga ah iyo Al-Qaacida iyo xulafadooda.

Warbixinta Qaramada Midoobay oo laga hor jeediyey golaha amaanka ee QM ayaa lagu sheegay in wiilka Usama Bin Ladin oo lagu magacaabo Cabdullaahi uu booqday Afghanistan bishii Oktoobar ee sannadkii hore, si uu kulan ula yeesho Talibaan.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Al-Qaacida ay sii wadayso istiraatiijiyaddeeda ka dib markii ay ugu hambalyeysay Taliban guushii ay gaartay Ogosto 31-dii ee sannadkii hore, oo sida muuqata aanay wax u dhimin dadaallada Taliban ee ay ku dooneyso aqoonsi iyo sharci caalami ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan ayaa beenisay arrintan iyadoo sheegay in warbixinada noocaan oo kale ah oo aan laheyn wax cadeyn ah ay yihiin kuwo lagu jahwareerinayo ra’yul caamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Xiisada u dhaxeysa Ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlu Sunna

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay Cilad maanta ku timid Internetka

Cabdi Cade

Ganacsato ku heyb ah Madaxweyne Farmaajo oo sabab layaab leh loo xiray !!

Cabdi Cade