Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa qoraal ay soo saartay ku amartay in shaqaalaha ajaaniibta ee ka howlgala deegaanada maamulkaasi ay iska soo diiwaan geliyaan wasaaradda .
Qoraal kasoo baxay Wasiirka Shaqada & Shaqaalaha Jubbaland Maxamed Axmed Cali ayaa lagu amray shaqaalaha ajaaniibta ee Jubbaland ku sugan in ay isku soo diiwaan geliyaan inta u dhaxeysa maanta oo ah 8-da Febraayo ilaa 28-ka bishan.
Wasiirka ayaa sheegay in shaqaalaha ajaaniibta ee ku sugan deegaanada Jubbaland looga baahan yahay in ay is diiwaangeliyaan si loo siiyo ogolaansho ruqso shaqo ay uga howlgalaan deegaanada Jubbaland.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com