Allbanaadir.com
NEWS

Imaaraadka oo si deg deg ah uga soo jawaabay Codsigii Ra’isul Wasaare Rooble (Sawirro)

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa maanta magaalada Muqdisho kasoo dejisay diyaarad weyn oo siday shixnado raashin gar gaar ah oo loogu tala galay in lagu caawiyo dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.

Wasiirka gargaarka iyo musiibooyinka xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo ay wehliyaan guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha ayaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay kulana wareegay gargaarka ka yimid dalka Imaaraadka Carabta.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo dhawwaan booqasho rasmi ah ku tagay dalka Imaaraadka ayaa ka codsaday madaxda dalkaasi iyo hay’adadha gargaarka in ay si deg deg ah ugu soo gurmadaan dadka abaarta saameesay.

Dowlada Imaaraadka ayaana gargaarkii labaad soo gaarsiisay Soomaaliya billooyin gudahood, waxa ayna arrintan timid kadib markii Ra’isul Wasaare Rooble  ka raali geliyay lacagtii dowlada Soomaaliya ku qabatay garoonka Aadan Cadde kulana wareegtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo baareysa Iskuulka Abaarso iyo haweeneyda faafisa diinta Masiixiga

Caydiid Ali

Dhaqaale Xumo xoogan oo soo waajahay dowladda Soomaaliya & Maamulka Puntland oo bilaabay Ciidamo cusub in ay qortaan !!

admin

Tiktok oo ku dhawaaqday go’aan ka dhan ah Ruushka iyo hal Sabab oo keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---