Allbanaadir.com
NEWS

Al-Shabaab oo galabta meel fagaare ah ku toogatay nabadoon 93 jir ahaa

Al-Shabaab ayaa maanta galinkii dambe goob fagaara ah ku toogtay Nabadoon caan ka ahaa gobolka Shabeellaha dhexe.

Marxuumka la toogtay ayaa lagu magacaabi jiray Nabadoon Abshir Nuur Xuseen (Abshir Maliis) oo da’diisa aheyd 93 sano, waxaana lagu toogtay degaanka Gamboole ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Nabadoonka ayaa caan ka ahaa gobalka Shabellaha Dhexe, gaar ahaan degmada Balcad, waxaana Al-Shabaab ay  ku eedeeysay inuu ka mid ahaa ergadii soo xulay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Nabadoonka ayaa gacanta Al-Shabab ku jiray muddo 3 bilood, isagoo degaanka maanta lagu taagay u tagay dacwad ku saabsan arrin xoolo dhaqato iyo beeraley ka dhaxeysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/mbnmGv9US-s

Related posts

Dowladda oo Faah faahisay khasaaraha ka dhashay weerarkii Jeexjeexa ka dhacay

Cabdi Cade

 Dhageysiga Dacwadihii loo heestay Cabdirisaaq Xuseen Tahliil oo lasoo gabo gabeeyay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Macalin Ardaydiisa tusay Sawir Gacmeed Caro dhaliyay oo la Gowracay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---