Ciidamo katirsan milatariga dowlada Kenya qeybna ka ah howlgalka AMISOM ayaa qaraxyo miino lagula beegsaday deegaanka Kaambooni ee gobolka Jubada Hoose, waxaana qaraxyadaasi ciidamada kasoo gaaray khasaaro.
Sida aan wararka ku helnay labo qarax oo nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo wateen ciidamada Kenya kuwaa xiligaasi ku guda jiray biyo dhaamis.
Qaraxyadan miino ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen shan askari oo katirsan ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM, mana jiraan wax khasaaro ah oo shacabka kasoo gaaray qaraxyadan.
Ciidamada Kenya ayaana qaraxyada markii lala eegtay kadib furay rasaas xoogan, waxa ayna ciidamada aaga lagu qarxiyay ka sameeyeen howlgal, mana lasoo warin rasaasta ay fureen ciidamada Kenya in iyana khasaaro kasoo gaaray dad shacab ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com