Allbanaadir.com
NEWS

Dil ka dhacay Muqdisho iyo Al Shabaab oo sheegatay masuuliyada dilkaasi hanjabaadna dirtay

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa xalay fiidkii xaafada Carafaad ee degmada Yaqshiid ee gobolka Banaadir  ku dilay qof shacab ah, waxaana masuuliyada dilkaasi durba sheegtay Xarakada Al Shabaab.

Sida aan wararka ku helnay kooxda hubeesan ayaa weeraray Xuseen Ciidgale xili uu marayay meel ku dhaw xaafadiisa, waxaana la sheegay in dhoor xabadood ku dhufteen raga hubeesan halkaasna ku geeriyooday.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in iyagu ka dambeeyeen dilka ka dhacay degmada Yaqshiid, waxa ayna Al Shabaab sheegeen ninka ay dileen in uu kamid ahaa ergada dooratay xildhibaanada cusub gaar ahaan kuwa kasoo jeeda gobolada Waqooyi.

Al Shabaab ayaana mar kale ku hanjabay in ay dili doonaan ergada dooratay xildhibaanada gollaha shacabka, waxa ayna digniin adag u direen dadka doonaya in ay kamid noqdaan ergada dooraneysa xildhibaanada gollaha shacabka.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:-Abaabul dagaal oo socda iyo Amniga Magaalada Boosaaso oo laga deyranayo

admin

Itoobiya oo dhoofineysa shidaalkii ugu horeeyey ee ka soo baxay dhulka Soomaalida

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo Saadaq John u soo celiyey darajadii ciidanimo ee laga xayuubiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---