Wafdi uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Yuusuf Cabduqaadir Maxamed ayaa gaaray Magaalada Baraawe ee caasimada maamulkaas
Ujeedada guddiga ay lagu sheegay iney tahay qabashada Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee Dhowaan Gudiga ay shaaciyeen.
Waxaa sidoo kale, halkaas gaaray maanta taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jen. Maxamed Tahliil Biixi iyo saraakiil kale, waxaana ka horeeyey ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo maalmo ka hor dayuurado lagu geeyey degmadaas
Baraawe oo ah degaan doorashada labaad ee maamulka K/galbeed ayaa waxaa taalla 13 kursi oo ka tirsan golaha shacabka baarlamanka Somalia, kuwaasoo la filayo in maalmaha soo socda doorashadooda halkaas lagu qabto.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com