Allbanaadir.com
NEWS

Qarax goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyey

Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho kaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Jugta qaraxa oo aad u xoog badneyd ayaa laga maqlay meelo badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu ka dhacay degmada Hodan gaar ahaan inta u dhexeysa isgoyska Banaadir iyo Isbitaalka kalkaal.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan lix ruux ay ku dhaawacmeen qaraxaas kuwaasoo dhamaantood ahaa shacab loola cararay goobaha caafimaadka.

Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya qaabka uu qaraxaas u dhacay, kuwaasoo qaarkood ay sheegayaan in loo adeegsaday miino wadada dhinaceeda la dhigay oo lala rabay gaari wadada marayey, halka warar kalena sheegayaan inuu uu ahaa hoobiye kor ka soo dhacay.

Ciidamada amaanka dowlada Somalia  ayaa gaaray goobtaas kuwaasoo halkaas ka wada baaritaano kala duwan, waxaana hakad galay socodkii dadka iyo gaadiidka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/mbnmGv9US-s

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibeda Somalia oo booqasho ku tegay Magaalada Rabat

Caydiid Ali

Xildhibaan ka hadlay Ciidamo Soomaali ah oo la sheegay in lagu laayay Gobolka Tigrey

Cabdi Cade

Xassan Shiikh: “Si cad ayaan u sheegeynaa gooni isku taag ma aqbali karno”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---