Rayan Oram oo ahaa wiil shan jir ah oo Sabtidii dhintay ka dib markii uu ku go’doonsanaa ceel muddo shan maalmood ah, ayaa lagu aasay meel u dhow tuulada Ighrane ee gobolka Rif Valley.
Wiilkan yar ayaa Talaadadii hore ku soo dhacay ceel ciriiri ah oo 32 mitir ah, taasoo keentay in la sameeyo gurmad adag.
Dadka wanaaga jecel ayaa baraha bulshada kusoo buux dhaafiyay fariimo isugu jira tacsi iyo duco iyagoo rajo ka qaba in lasoo saaro isagoo nool.
Meydka cunuga yar ayaa la geeyey isbitaal ciidan oo ku yaala caasimadda Rabat, iyadoo ay la socdaan waalidkiis.
Maanta ayaa loo qaaday qabuuraha Douar Zaouia ee u dhow tuuladiisa, halkaasoo boqolaal qof oo baroor diiq ah ay ka soo qeybgaleen aaskiisa.
Boqor Maxamed-ka Marooko ayaa tacsi u diray waalidiinta wiilka dhintay
Bayaan ka soo baxay boqortooyada ayaa lagu shaaciyay geerida wiilka waxyar kaddib markii laga soo saaray ceelka kaddib dedaal muddo dheer qaatay oo la doonayay in lagu soo samatabixiyo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com