Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan gaar ah xafiiskiisa kula yeeshay madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.
Rooble iyo Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor ayaa kulankooda imta uu socday uga hadlay arrimo muhiim ah ay kamid ahaayeen dardargelinta iyo dhammeystirka doorashooyinka xildhibaanada gollaha shacabka.
Waxa ay sidoo kale labada masuul kawada hadleen arrimaha ammaanka deegaanada Galmudug gaar ahaan la dagaalanka kooxda Al Shabaab iyo sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka ay abaaruhu aafeeyeen.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo maalmahan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa wada kulamo uu la qaadanayo madaxda dowlada ugu sareeya, siyasaiyiinta mucaaradka iyo wakiiladda beesha Caalmaka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com